Sicir barar ka taagan dalka Mareykanka ayaa la sheegay inuu 40 sano kaddib gaaray halki ugu sarreeyey.
Tusmada lagu soo saaro qiimaha maciishadda ee Maraykanka lagu soo saaro ayaa lagu sheegay 7% in sare u kacay marka la barbardhigo sanadkii hore sida uu ahaa.
Waxaana tusmadaasi lagu sheegay bishii seddexaad oo xiriir ah uu sicir bararka ka sarreeyo 6%.
Waxaana sicir bararka loo sababeeyey nooca cusub ee cudurka safmarka ee Omicron oo cadaadis xooggan saaray shaqaalaha waxsoossarka dalkaasi ka shaqeyn lahaa.
Talaadadi shalay ahaydna madaxa keydka Fedraalka Jerome Powell wuxuu sheegay iney diyaar u yihiin iney lacagaha dulsaarka kordhiyaan si sicir bararka loo dajiyo.