Uncategorized

Sidee loo qeyb sadaa Dakhliga ka soo xarooda Dekada Berbara.

Hargeysa-KNN-Warsaxaafadeed maanta ay soo saartay shirkada Dp World oo maalmihii u dambeeyay shir kula jirtay wasiirka arrimaha dibada Maamulka Somaliland Sacad Cali Shire, maareeyaha Dekada iyo Masuul ka tirsan Dowlada Itoobiya ayaa lagu kala saxeexday heshiiskaasi saami qeybsiga ku saleysan.

Shirkada Dp World ee laga leeyahay dalka Imaaraatka waxaa ay Saami u heshay 51$, Somaliland waxay u heshay 30$, halka dowlada Itoobiyana saami u heshay 19%.

Heshiiska saddex geesoodka ah ee la kala saxeexday waxaa lagu xusay inay Itoobiya dhinac ka tahay heshiis oo ay Dekada si caadiya u isticmaali karto muddada ay shirkadaasi gacanta ku hayso maamulka Dekada.

Itoobiya ayaa 85% alaabaha dibada uga yimaada kala soo degi jirtay dalka Jabuuti, Balse waxaa la filayaa inay imika 50% ay kala soo degto alaabaha Dekada Berbera oo ay gacanta ku hayaan Somaliland.

Somaliland ayaa Dekada Berbera ku wareejiyay shirkada Dp World Bishii saddexaad ee sanadkii hore, waxaa sidoo kale Somaliland siisay Dalka Imaaraatka Saldhig milateri oo ay ka sameysanayaan Magaalada Berbera.

Dowlada Dhexe ee Soomaaliya ayaa wali kama hadal saamiga Itoobiya ka qaadatay Dekada Berbera, maaddaama ay Soomaaliya Xukunto Somaliland.

Somaliland ayaa sheegta inay ka madax banaantahay Soomaaliya inteeda kale kadib markii ay burburtay Dowladii Millateriga ahayd ee Soomaaliya.