Somali News

Sii hayaha R/wasaaraha oo booqday xabsiga dhexe ee Xamar

Sii hayaha ra’iisul wasaaraha dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (khadar) ayaa maanta  booqday Xabsiga Dhexe ee dalka, isagoona u kuur galayay xaalada guud ee xabsiga dhexe.

Marka uu gaaray xabsiga dhexe waxa uu salaam sharaf ka qaatay ciidamada oo goobta loogu diyaariyay waxaana sidoo kale ku soo dhaweeyay Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Generaal Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Sii hayaha ra’isulwasaaraha dalka ayaa warbixin ka dhageystay taliska Asluubta. Waxuu taliska asluubta waxaana uu kula dardaarmay dardargelinta qorshaha adkeynta amniga, xanaaneynta iyo horumarinta nolosha maxaabiista si loogu diyaariyo mustaqbal ifaya.