Uncategorized

Sirdoonka Kenya ” Al-Shabaab waa Qatarta ugu weyn ee amaanka Kenya”

Muqdisho-KNN-Heey’adda Sirdoonka Kenya ayaa sheegtay in Al-sshabaab ay yihiin Qatarta ugu weeyn ee uu wajahayo Amaanka Qaranka Kenya.

Kulan uu la yeeshay Xillibaano ka Tirsan Baarlamaanka Kenya ayuu agasime ku xigeenka sirdoonka Kenya Alexander Muteshi u sheeegay in Qatar Badan ay ka jirto Afar Gobol ee xuduudda ku yaala ee Mandera, Wajir, Garissa iyo Lamu.

“Waxa hanjabaadda Halis ka dhigaya waa in ay beegsanayaan Kaniisadaha, Suuqyadda, Iskuuladda iyo meelaha kale ee Dadweeynaha” ayuu Mudaneyaasha Baarlamaanka u sheegay Alexander Muteshi

Waxa uu sheegay in sirdoonku uu abuuray adkeeysi loo maray dhalinyaraddda oo wax labaray.

Agaasime ku xigeenka Sirdoonka Kenya waxaa Hoosta ka xariiqay in Markii horeba Kenya ay la dalaadhaceeysay in ka badan 200 oo dhagaalame yaal ka tirsan Al-shabaab kuwaas oo Wadanka Kenya dib ugu labtay Deegaanadda Xeebta Bari ee Wadankaasna ay Galeen kuwaas oo beegsada Dadka Rayidka ah  ah iyo Ciidamadda booliiska.

Warkaan oo uu daabacay Daily nation ayey Sirdoonka Kenya ku muujiyeen Heerka ay la egtahay Qatarka ka imaaneeysa Al-shabaab ee ay wajahayaan Dadka Kenya gaar ahaan Dadka ku nool Goboladda xuduudda ku yaalla.

Sirdoonka Kenya oo kaashanaya qaybaha kala duwan ee Ciidamadda Amaanka ayaa ku dadaalaya in ay iska caabiyaan Howlgaladda Al-shabaab ay Wadankaasi ka fuliyaan.

Wixii ka dambeeyay markii Al-shabaab  ay Qorteen tiro badan oo Muwaadiniin Kenyan ah waxaa u suurta gashay in ay kordhiyaan Weeradda Kenya Gudaheeda ay ka fulinayaan.

Gobolka Lamu oo ay ku Taalo kaynta ay Al-shabaab ku dhuuntaan ee Kenya ayaa Martigaliyay Weeradda ugu Badan ee Kenya, sidoo kale Kenya ayaa Gobolkaas  ka howl galisay  Ciidamo Military ah oo loogu tallo galay in ay Al-shabaab kaynta kula Dagaalamaan.