Muqdisho-KNN-Warbaahinta Kenya ayaa sheegay Sedax muwaadin oo Kenya u dhashay ay ka mid ahaayeen Dadkii ay Al-shabaab ku dileen Deegaanka Yaaq-baraawe ee gobolka Bay Talaadadii lasoo dhaafay.
Dadka ay Al-shabaab laayen oo ahaa Shan qof waxay ku eedeeyeen in ay basaas u ahaayeen Dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibadeed dagaalka ku taageera.
Dadka Kenyan ka ah waxaa ka mid ah haweeneey ku jirta Da’ada dhexe oo ka soo jeeda deeganadda xeebta iyo labo nin oo kasoo jeeda Wajeer
Labadaas nin waxay asal ahaan kasoo jeedaan Soomaalida degta Kenya, sida uu daabacay Wargeeyska the Standard oo warkaan qoray. Wargeeysku ma uusan sheegin magacyadda Sedax qof ee Kenya u dhashay.
Wargeeysku waxaa uu sheegay in Al-shabaab ay daka Shanta qof ah dileen kadib markii Mareeykanku uu Degmadda Bu’ale ku dilay 40 xubnoon oo Taliyeyaal ay ku jiraan.
Taliyeyaashaas waxaa la aaminsanyahay in uu ka mid ahaa Madaxii Al-shabaabka ka dagaalama Kenya Axmed Iimaan.
“Al-shabaab waxaa ay aaminsanyihiin weerarka lagu qaaday taliyeyaashooda sare in ay ka shaqeyeen Dad ku dhex jira maadaama duqaynta lala begsaday Dhisme ay madaxdoodu ku shirayeen si ay u qorsheeyaan bartilmaamedyadda muqstaqbalka” ayaa lagu sheegay warbin sirdoon oo uu soo xiganayo Wargeeyska Warkaan qoray ee The Standard.
Dhinaca kale Ciidanka Amaanka Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Shan dagaalame oo ka tirsan Al-shabaabka ka dagaalama Kenya kuwaas kasoo baxay dhulkii ay ku dhuumanayeen kadib markii duqamo lala beegsaday.
Al-shabaab ayaa dhowr kol oo hore waxaa ay dileen Dad ay basaasnimo ku eedeyeen oo qaarkood ay iyaga ka tirsanaayeen.