Uncategorized

Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur oo maanta lagu wado in uu ka soo Muuqdo Maxkamadda G/Banaadir.

Muqdisho-KNN-Xeer ilaalinta Qaranka Soomaaliya ayaa maanta laga sugayaa Maxkamada gobolka Banaadir  ay hor geeyaan cadeymo la xariiro eedeymaha loo heesto Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ay Maxkamadda shalay amartay in lagu keeno mudo 24 saac gudahood.

C/raxmaan C/shakuur warsame ayaa shalay ka soo muuqday Maxkamadda gobalka Banaadir waxayna qarreenada u doodaya C/raxmaan ay sheegeyn in sharci darro tahay xeragga CC Warsame.

Tahliil Xaaji Axmed oo ah Qarreenka u dooddaya Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in xariga siyaasiga aan marnaba loo marin sida uu hadalka u dhigay sifo sharci ah islamarkaana dowladda laga doonayo in ay ka jawaab celiso.

Arbacada maanta ah ayaa loo balansan yahay in mar kale dib loogu noqdo maxkamada oo dhinaca xeer ilaalinta ka sugeysa cadeymo la xiriira danbiyada loo heysto Siyaasiga.

Lama oga ilaa xad cadeymaha ay maanta hor geyn doonaan maxkamada Xeer Ilaalinta ama dacwad oogayaasha, hasse ahaatee laamaha Amniga dowladda ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho waxaa ay ku sheegeen in ay gacanta ku dhigeen Agab kala duwan oo ku filan dacwad ku soo oogidda Cabdiraxmaan Cabdishakuur.