Uncategorized

Siyaasiga C.raxmaan Cabdishakuur Warsame oo Xabsiga laga siidaayay

Muqdisho–KNN–Siyaasiga Caanka ah ee C/raxmaan C/shakuur Warsame oo Maalmihii la soo dhaafay ku xirnaa Xabsi ay Maamulaan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa Xalay laga siidaayay Xabsiga,

Siideynta Siyaasi C/raxmaan Cabdishakuur waxaa ka qeyb qaatay Madaxweynaha Galmudug,Madaxweynaha Hirshabelle,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,Wasiirro,Xildhibanno iyo Odayaasha Dhaqanka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in C/raxmaan C/shakuur Warsame lagu sii daayay Qaab damaanad ah,iyadoo siideynta C/raxmaan C/shakuur ay timid Wada-hadalo Mudo dheer qaadatay.

Wararka ayaa intaas ku daraya  in loo balamay in Maanta oo Khamiis ah Maxkamad Gobolka Dib loogu laaban doono, waxaana qaabka sii deyntiisa tahay qaab damiin ah.

Ugaas Maxamud Cali Ugaas oo kamid ah Odayaasha Dhaqanka ee ka qeyb qaatay Siideynta Siyaasiga ayaa sheegay in aysan jirin wax Sharuud ah oo lagu xiray Siideyntiisa.

Sidoo kale Guddoomiyaha  Xisbiga Mucaaradka Wadajir Kamaal Daahir Guutaale ayaa sheegay in Maanta oo Khamiis ah Siyaasi C.raxmaan la horgeyn doono Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Dhanka kale Xildhibana Axmed Macalin Fiqi ayaa War qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in Xildhibaaanada Labada Golle ay ku faraxsan yihiin Siideynta Siyaasi C/raxmaan C.shakuur.