Uncategorized

Siyaasiyiinta Soomaaliland oo siyaabo kala duwan ugu hadlay arinta Imaaraadka

Muqdisho-KNN-Tan iyo markii wasiir dowlada arimaha dibada ee dowlada Imaaraadka Anwar Maxamed Qarqaash oo ku dhawaaqay in Soomaaliland aysan kala heshiinin Dekada magaalada Barbara ayaa hadalkaas wuxuu hadal heyn ka dhax abuuray qeybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta Soomaaliland.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Soomaaliland Cabdiraxmaan Cinro ayaa isaga oo muujinayay sida ugu careysan yahay hadalkaas wuxuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliland Siilaanyo wuxuu mudan yahay in maxkamad la soo taago.

Waxaa intaas uu ku daray in madaxweyne Muse iscasilo bulshada cafis weydiisto.

Qaar kale oo ka mid ah siyaasiyiin Soomaaliland ayaa iyagana Soo jeediyay in xukumadda Soomaaliland ay la gudboontay in ay kalaabato heshiiskii Dekada magaalada Barbara xiriirkana ay u jaro dowlada Imaaraadka.

Cabdi Cali Jaamac agaasimihii dhawaan iska casilay wasaaradda qorshaynta ee Soomaaliland  haddana ah barre ka tirsan jaamacadda Hargeysa ayaa ka mid ah siyaasiyiinta qaba aragtidaasi.