Uncategorized

SOMA oo ka walaacsan tacadiyada lagu kacay Wariyaal soo tabinayay xogta la xiriirta xasilooni la’aanta siyaasadeed

Muqdisho-KNN-War qoraal ah oo ka soo baxay Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ayaa lagu yiri waxa ay ka welwelsan tahay qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhex aloosan guddoonka Baarlamaanka DFS, kaas oo sii cakiraya shaqada iyo howlgalka Warbaahinta magaalada Muqdisho, iyo nolosha Muwaadiniinta, waxa ay Somali Media Association ka walaacsan tahay sida ay ciidamadu ula dhaqmayaan suxufiyiinta iskudeyaya tebinta macluumaadka iyo xogta la xirirta xasilooni la’aanta siyaasadeed.

Waxaa sidoo kale Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri Dadweynuhu waxa ay warbaahinta ka sugayaan xog ka saabsan waxa ka dhacaya dalka, sababta ay u dhacayaan iyo dhinacyada ku lugta leh, raadinta iyo ka jawaabidda baahida xogeed ee dadweynuhu waxa ay u baahan tahay mas’uuliyad gaar ahaaneed, sidaas awgeed hay’adaha dowladda, si gaar ah laamaha ciidanka waxa ay SOMA, si lab furan uga codsaneysaa in ay xushmeeyaan Warbaahinta iyo shaqaalaheeda oo gudanaya waajib bulsho.

Dhinaca Kale Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) Waxa ay u soo jeedineysaa dhammaan suxufiyiinta iyo xarumaha Warbaahinta in ay dhaqangeliyaan siyaasadda iskaa isu xakameey (Self regulation), oo xilliyada ay jiraan dhacdooyinka waaweyn ee la xiriira dhinaca maamulka iyo siyaasadda loo adeegsado si hoos loogu dhigo dhibaatooyinka ka dhalan kara deganaansho la’aanta iyo khilaafka siyaasadda.

SOMA waxa ay warbaahinta iyo shaqaalaheedaba u soo jeedineysaa in ay si fiican u qaataan kaalintooda Korjoogenimada, ayna ciyaaraan doorkooda wargelineed ee Dadweynaha, waxa ay SOMA; ka welwelsan tahay faafidda wararka been abuurka ah (Fake News) , kaas oo bulshadu ku sameeya marin habow iyo qalqal siyaasi ah.

Maanta ayey aheed markii Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa jirdil u geestay Wariyayaal ka tirsan Shaqaalaha Warbaahinta magaalada kuwaas oo shaqo u tagay xarunta Golaha Shacabka.

Wariyayaasha Jirdilka loo geestay oo qalabkooda la qaatay waxaa ka mid ah Shaqaale ka tirsan Telefishinka Kalsan Xaruntiisa magaalada Muqdisho.

Qaar Wariyayaasha oo aan la hadlay ayaa ii xaqiijiyay in amar ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha lagu amray in Saxaafada laga joojiyo Shaqada Tabinta ee Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn waxa ay SOMA; ugu baaqeysaa dhammaan mas’uuliyiinta kala duwan in ay muujiyaan mas’uuliyad iyo xilkasnimo si looga fogaado wixii dhib u soo jiidi kara howlgalka Warbaahinta.