Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa Dawladda Talyaaniga la saxiixday heshiis ku saabsan Hooyada iyo dhallaanka.
Heshiiskaasi ayuu Talyaaniga ugu tala-galay in Soomaaliya ay ka taageerto dhinaca Caafimaadka iyo kobcinta aqoonta dadka ka shaqeeyo Caafimaadka, waxaa kaloo raacsan wax ka qabashada dhibaatooyinka ay la kulmaan Hooyada iyo dhallaanka.
Mashruucaan waxaa maal-gelinayo Dawladda Talyaaniga, iyaddoo Soomaaliya u soo marsiineyso Hay’adda IOM, waxaana mashruucaan la gaarsiin doonaa dhammaan gobolada dalka sida la sheegay.
Wasiir Jamaal ayaa sheegay in barnaamijkaan uu muhiim u yahay dalka iyo dadka Soomaaliyeedna wax badan ay ka faa’iidi doonaan haddii siddii loogu tala-galay loo hirgeliyo.
Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay inuu ka sheqeyn doono siddii loo fududeyn lahaa mashruucaanay Dawladda Talyaaniga ugu deeqday Soomaaliya.