Somali News

Somalia oo sanadkaan raja weyn ka qabta ku biirista Ururka Bulshada Bariga Afrika

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Ururka Bulshada bariga Africa Cabdisalaan Hadliye ayaa sheegay in Sanadkaan gudahiis Soomaliya ay kamid noqon doonto is bahaysiga la magac baxay ururka Bulshada Bariga Afrika.

Ergayga oo ka hadlay Xaflad sagootin ah oo loo sameeyo guddi ka socda ururkaasi oo maalmahaan Muqdisho u joogay sahan la xiriiray qaabka Soomaaliya ay uga qeybgali karto Isnaheysiga ayaa bulshada la wadaagay faaiidada Soomaaliya ugu jira ka mid noqoshada is bahaysiga Bulshada Bariga Afrika.

Wasiiru dowlaha wasaarada arrimaha dibadda XFS Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa sidoo kale ka hadlay xafladdii sagootinta wafdigaasi oo oo ka kooban 40 xubnood oo kana  socday dalalaka Kenya, Yugandha, Tansaaniya, Ruwanda, Burundi, Jamhuuriyadda Koongo iyo koonfurta Suudaan kuwaas oo muddo 12 cisho ah oo ay joogaan dalka la kulmay heyadaha dowladda iyo ururada bulshada.