Somali News

Somaliland iyo SSC Khaatumo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Laascaanood

Maamulka Soomaaliland iyo Jabhad SSC Khaatumo ayaa ka hadlay dagaal maanta ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

SSC Khaatumo ayaa sheegay in dad rayid ah ay ku geeriyoodeen duqeymo ay Somaliland maanta ka geysatay magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

“Duqeymahaas waxa ay sababeen dhimashada lix qof oo rayyid ah, waxaa ku dhaawacmay 19 kale, halka ay ku dumeen guryo iyo xarumo ganacsi” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Maamulka SSC Khaatumo.

Dhinaca kale, Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland oo qoraal soo saartay ayaa sheegtay in weerar lagu soo qaaday Ciidankooda ku sugan duleedka Laascaanood, isla markaasna ay iska difaaceen.