Uncategorized

Somaliland oo Digniin u dirtay Dawlada Federaalka iyo Maamulka Puntland

Wasiirka arrimaha dibada Maamulka Somaliland Sacad Cali Shire oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa waxaa uu sheegay in faro galin ay ku hayaan dawlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland islamarkaana ay uga digayaan rabshadu uu sheegay in laga wado Buuhoodle.

Sacad Cali Shire oo warbaahinta u akhriyay war murtiyeed ka koobnaa Toban Qodob oo maanta ay ku kala saxeexdeen Somaliland iyo Khaatumo oo magaalada Hargeysa ku shiray ayaa waxaa uu sheegay in rabshada kusoo noqnoqday Buuhoodle ay ka dambeeyaan maamul Goboleedka Puntland.

“Caalamku waa inuu ogaado wixii dhibaato ah ee ka dhaca deegaanada Buuhoodle inay ka dambeeyaan Dawlada federaalka iyo Maamulka Puntland”

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland waxaa uu sidoo kale digniin u diray diyaaraha isticmaala hawada maamulkaasi ka taliyo oo uu sheegay inaanay amar la’aan kusoo gali Karin deegaanada Somaliland.

Maamulada Somaliland iyo Khaatumo ayaa todobadii bilood ee u dambeeyay ka wada hadlay sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen arrimaha siyaasada ee ka jira gobolada Bariga Somaliland iyo maamulka Khaatumo ka jiro