Muqdisho-KNN-Maxkamadda Racfaanka ee magaalada Hargaysa ayaa maanta amartray in la sii daayo fanaaniin mudo ku xirnaa magaalada Hargeysa.
Fanaaniintan ayaa kala ah Barwaaqo Qalanjo iyo Xamda Qaali kuwaas oo mudo Labo bilood ah ku xirnaa xabsi ku yaalla, magaalada Hargeysa ee caasimada Soomaaliland, kadib markii maxkamaddu ay ku wayday wax dambi ah.
Xariga fanaaniintan ayaa kia dambeeyay safar ay ku yimaadeen magaalada caasimada ah ee Muqdisho, si ay ugu qabtaan badhig faneedyo iyo heeso ay ku qaadeen Muqdisho.
Labada fanaan ayaa sii dayntooda ka dib waxa ay la hadleenwarbaahinta, iyagoo u mahadceliyay maxkamadda oo dib u fartay in la siiyo xoriyaddooda iyo dhammaan cid kasta oo gacan ka gaysatay.
Marar badan ayaa sidan oo kale waxaa magaalada Hargaysa loogu xiray, dad magac ku dhex leh bulshada Soomaaliland oo ka soo jeeda isla deegaanna Soomaaliland, kadib markii ay safaro kala duwan ku yimaadeen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Dhinaca kale sii daynta fanaaniintan ayaa waxa ay qayb ka tahay heshiisyadii dowlada Soomaaliya iyo Soomaaliland ay ku wada galeen shirkii ka dhacay magaalada Jabuuti, kaas oo ahaa in aan la carqaladeyn isku socodka arrimaha bulshada sida waxbarashada, ciyaaraha, fanka,caafimaadka iwm.