Hargeysa-KNN-Madaxda ugu sareeya Somaliland ayaa socdaalka madaxwaynaha Puntland ee Badhan ku tilmaamay xadgudub ay sameysay dowlada Federaalka Soomaaliya.
Madaxwayne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga UCID waxaa ay sheegeen in socdaalkani uu sii hurinayo colaadii u dhaxeysay Puntland iyo Somaliland.
Waxay xuseen inaan hadda loo baahneyn khilaaf siyaasadeed oo uu abuuro socdaalkani. Dowlada Federaalka Soomaaliya ayay ku eedeeyeen inay ka dambeyso arrintani oo hore wasiirka qorsheynta Soomaaliya deegaankaasi yimid. “Dowlada Federaalka ayaa dagaal kusoo qaadaysa Somaliland oo ka dambeysa khilaafka siyaasada ee Badhan, xuduudka Somaliland ayay kusoo xadgudbeen, Tukaraq ayaa caalamku la socdaa, dhexdhexaadin ayaa lagu jiray, dagaal kale ayaa laga furayaa meel kale, waa Gardaro, waajibka nagu aadan ayaan ku qaadan,
Dowlada Federaalka iyo Puntland ayaa u midoobay siddii nabad galyada gobolka loo xumeyn lahaa”ayuu Yidhi madaxwayne ku xigeenka Somaliland. Madaxda kale ee Somaliland waxay sheegeen in arrintan ay ka noqdaan siyaasiyiinta ka yimid magaalada
Garoowe oo ay ka baxaan dhulka Somaliland. Madaxwaynaha Puntland iyo wefti uu hogaanimayo ayaa sugan magaalada Badhan ee beriga Sanaag kuwaasi oo dhagax dhig ku sameynaya wadooyin laga sameynayo deegaanadaasi iyo Sidoo kale Jaamacada laga hirgaliyay oo xadhiga ay ka jarayaan. Puntland iyo Somaliland ayaa ku muran gobolada Sool iyo Sanaag kaasi oo maamul kasta sheeganayo inuu xukumo deegaanadaasi.


