Laascanood–KNN–Wararka naga soo gaaraya Magaalada laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Mamaulka Somaliland la geeyay Gobalkaas,iyagoona la geliyay heegan culus,islamarkaana waxaa la sheegay in xiisad u dhexeeysa somaliland iyo Puntland ay ka jirto halkaas.
Sababta Heeganka loo geliyay Ciidamada Somalailand waxaa lagu sheegay ka dib markii Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland ay Dhaq-dhaqaaq Ciidan ay ka bilaabeen goballada Sool iyo Sanaag.
Wararka qaar ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in ciidamo badan oo ka tirsan Puntland Xalay ay soo gareen Deegaano Hoostaga Gobalka Sool.
Dadka Deegaanka waxaa ay ka cabsi qabaan in Xiisada u dhexeeysa Maamulada Somaliland iyo Puntland ay dhibaato ka soo gaarto shacabka ku nool gobalada sool iyo sanaag.
Ma jiraan ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo kala baxay Maamulada Somaliland iyo Puntland,kaasi oo ku aadan Xiisada Ka Taagan goballada sool iyo sanaag,maadaama Maamulka Somaliland ay Sanaadiiqda codbixinta geeyeen gobaladan ay maanta xiisada ka taagantahay ee sool iyo Sanaag.
13 Bishan ayaa qorshuhu yahay in Doorashada Maamulka Somaliland ay Deegaanada uu ka Taliyo maamulkaas,iyadoona hada diyaar garoowkii ugu badnaa laga dareemayo magaalooyinka uu maamulo Maamulka Somaliland.