Guddigii uu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ee uu u xil saaray wada hadallada Somaliya iyo Somaliland ayay muujiyeen Somaliland mowqifka ay ka taagan yihiin arrinkaasi.
War-Saxaafadeed ku qornaa lahjad adag oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo uu ku saxiixnaa Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweyne Biixi ayaa aad loogu dhaliilay hanaanka maamul ee Madaxweyne Farmaajo.
“Tan iyo intii Farmaajo talada dalkaasi Soomaaliya qabtay, waxa uu Somaliland kusoo qaaday weerar siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, iyo mid Diblomaasiyadeed iyagoo meel kasta oo ay Somaliland ka hesho taageerada mashaariicda horumarineed, maalgelinta marsada Berbera iyo iibka xoolaha Somaliland-ba ku ah duulimaad” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkan
Dhinaca kale warkaan ka soo baxay Madaxtooyatda Somaliland ayaa intaasi ku daray, “Somaliland tabashadeeda iyo dhibtii soo gaadhay waxay kaga garnaqsan kartaa oo keliya fagaare caalamiya oo bulshada caalamku ay goob-joog ka tahay balse maamulka Farmaajo xalin tabasho nagama dhaxayso, ee garnaqsi laba dal ayaa noo dhexeeya:.
Gagabada war-saxaafadeedka ayaa shuruur lagu xiray wada hadal dhex mara labada dhinac. “Haddaba, wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay qabsoomi karaan keliya marka ay Soomaaliya garwaaqsato in midnimadii labada dal ay burburtay 1991-kii, illaa maantana aynu nahay laba dal oo kala madax-bannaan muddo 28-sanno ah jaarnimo kaliya wadaaga”.
Lama sii saadaalin karo War-saxaafadeedkan sida uu saameyn ugu yeelan karo Guddiga uu Madaxweyne Farmaajo magacaabay iyo wada-hadal dhex mara labada dhinac.