Hargeysa-KNN-Ku dhawaad 30 qofood oo ku nool deegaanada Somaliland ayaa maanta laga helay cudurka Coronavirus, waxayna Somaliland shaacisay in shan qof oo kale ay kasoo bogsatay xanuunka.
Dadka maanta laga helay cudurka ayaa tiradooda rasmiga ah lagu sheegay 29 qofood, kuwaas oo 23 ka mid ah ay yihiin rag, halka lixda kale ay dumar yihiin.
Da’da bukaanada cusub ee laga helay cudurka ayaa u dhaxeysa 20-sano jir illaa 90-sano jir, waxayna dadkaasi ku kala noolyihiin magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ee Somaliland.
Tirada guud ee dadka kasoo bogsaday cudurkaas deegaanada Somaliland ayaa gaartay 33 qofood, halka 19-qof oo kale ay u geeriyootay xanuunka.