Somali News

Somaliland oo sharuud ku xirtay in ay ka laabato go’aankii ay ku hakisay howlaha Q.M.

Hargeysa-KNN-Somaliland ayaa Qaramada Midoobay ka dalbatay in ay ula macaamisho dalka ka madax banaan Soomaaliya, si ay uga laabato go’aankeedii ay ku joojisay dhammaan howlihii Qaramada Midoobay ay ka waday Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku eedeeyay Qaramada Midoobay inay amarro ka qaadato dowladda Soomaaliya isla markaana ay ku lug leedahay siyaasadda gobolka.

Biixi ayaa sheegay in wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan uusan matalin Somaliland, laakiin ay soo dhaweynayaan cid kasta oo si ixtiraam leh  u dooneysa inay la shaqeyso.

Qaramada Midoobay ayaa dowladda Soomaaliya la saxiixatay heshiis wadashaqeyn si loo gaaro “nabad, xasillooni iyo barwaaqo u soo hoyata Soomaalida oo dhan,” sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Qaramada Midoobay.

Heshiiska Iskaashiga waxaa lagu saxiixay Muqdisho iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil sarsare oo ka tirsan labada dhinac, oo ay ka mid ahaayeen Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.