Hargeysa-KNN-Wasiirka warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa si kulul uga hadlay dagaal shalay ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ku dhex maray degaan lagu magacaabo Hadaftimo oo ka tirsan gobolka Sanaag.
Wasiirka ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan Puntland oo wata ciidamo uu weerar jidgal ah ku qaaday kolonyo uu la socday guddoomiyaha gobolka ay Somaliland u bixiysay Badhan Maxamuud Xaamud Cumar, isagoo sheegay in ka Somaliland ahaan ay aad uga xunyihiin dagaalkaas.
Wasiir Maxamed Muuse ayaa sheegay inaysan Somaliland u dul qaada doonin gar daro uu sheegay inay wado Puntland oo ay iska difaaci doonaan, weerarkii shalay lagu qaaday wafdigooda ayuu sidoo kale sheegay inuusan wax saameyn ah ku yeela doonin guddoomiyahooda la weerarayna uu dib ugu laaba doono xaafiiskiisa.