Uncategorized

Somaliland oo soo bandhigtay Dadka Codeynaya Doorashada Bisha November(Akhriso)

Hargeysa–KNN– Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa shaaciyay tirada rasmiga ee qaadatay kaadhadhka codbixinta doorashada Madaxwaynaha ee bisha soo socota ka dhacaysa degaanada Somaliland.

Guddiga oo warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in 704,089(Todoba boqol  iyo afar kun  Siddeetan iyo Sagaal qof) ay qaateen kaadhadhka codbixinta.

13 November ayaa lagu wadaa in deegaanada maamulka Somaliland ay ka qabsoonto doorashada Madaxwaynaha oo ay ku tartamayaan Xisbiyada Kulmiye,UCID iyo Waddani.

25 bishan aynu ku jirno ayaa la filayaa in la bilaabo ollolaha doorashooyinka ee xisbiyada.

Halkan ka akhriso warqada gudiga