Hargeysa-KNN-Wararka naga soo gaarayo magaalada Hargeysa ee Xarunta Soomaali-land ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska ay gacanta ku dhigayn nin dhalasho ahaan kasoo jeeda wadanka Shiinaha oo mudooyinkii u danbeeyey magaalada Hargeysa ku dhex sugnaa ninkaas oo lagu eedeeyay in uu sameynayay Lacago been abuur ah.
Ninkan dhalashadiisu tahay Shiinaha ayaa ciidamadu qabteen sida wararka nasoo gaarayo ay sheegayaan isaga oo Hargeysa gudaheeda ku samaynayay lacago Been abuur oo Dollar ah,kaas oo shalay subax oo kaliya daabacay lacag gaadhaysa 40,000$ (Afartan Kun Oo Dollar).
Ninkan oo daganaa Hotel ku yaala bartamaha magaalada Hargeysa ayaa waxa qabtay sida la sheegay shaqaalihii Hotelka ka shaqaynayay,kuwaas oo Booliiska ku wargaliyey mashruuca uu ninkani waday oo ahayd in uu lacagtaas Daabaco si uu dadka ugu dhaco ama sicir barar ka dhasho Soomaali-land.


