Uncategorized

Somaliland”Puntland Hanjabaadu Afka ayey ka tahay,balse anaga Caloosha ayey naga tahay”{Dhageyso}

Hargeysa–KNN– Iyadoo  Xiisad Xoog leh ay ka dhex jirto Maamulada Puntland iyo Somaliland  islamarkaana la xiriirta Doorashada Somaliland oo Puntland ay sheegtay in ay ka hortageyso in ay ka dhacdo Gobollada Labada Maamul ay ku muran san yihiin Ee Sool iyo Sanaag ayaa waxaa arrintaas ka hadlay Maamulka Somaliland.

Wasiir Dowlaha Amniga Maamulka Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo la hadlay Saxafadda ayaa sheegay in ay ogyihiin Hanjabaadd isdaba jooga ah ee Puntland ka soo yeereysa,waxaana uu sheegay in Puntland ay Afka ka tahay Hanjabaadda,balse Somaliland aty Caloosha ka tahay sida uu hadalka u dhigay.

Somaliland iyo Puntland ayaa Ciidamo aad u badan dhoobay Gobolada ay ku muran san yihiin ee Sool iyo Sanaag,waxaana suuro gal ah inuu dhexmaro labada Maamul Dagaal u dhexeeya.

Degaanada Somaliland ayaa 11-ka Bishaan looga dareeri doonaa Doorashada Madaxweyne,waxaana Puntland ay sheegtay in Gobollada Sool iyo Sanaag aysan ka dhici doonin Doorashada Somaliland.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka