Uncategorized

Somaliland”Shaki ayaa nooga jira Saldhigga Milatari Ee Turkigu ka Furay Magaalada Muqdisho”

Hargeysa–KNN–Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo la hadlay Saxafadda Gudaha Somaliland ayaa Markii ugu horeysay ka hadlay Saldhigga Milatari ee Dowladda Turkiga ay ka Hergelisay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa sheegay in Somaliland ay Il-dheer ku hayn doonto Dhaqdhaqaaqyada Saldhiga Milatari Ee Dowladda Turkiga ay ka furtay Muqdisho iyo Sida uu u shaqeyn doono,waxaana uu xusay in Somaliland uu Shaki uga jiro Saldhiggaasi laga furay Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.

“Cid walba waa Muhiim in ay Taageerto Meesha ay wax ka heleyso,kama soo horjeedno in Soomaaliya ay Heshiisyo la gasho Wadamada Caalamka si loo gacan siiyo,balse waxaa isweydiin Mudan Saldhiga Milatari ee Turkigu ka furay Muqdisho ma mid Soomaaliya lagu Aslaaxinayo oo Nabad Gelyada Soomaaliya looga shaqeynayaa,mase waa mid Somaliland loogu Aruursanayo Hub iyo Ciidan”ayuu yiri Wasiir Cadami.

Dowladda Turkiga ayaa Saddex Maalin ka hor Magaalada Muqdisho ka Furtay Saldhiggii ugu weynaa oo Turkiga uu ka dhisto meel ka baxsan Wadankooda,waxaana lagu Tababari doonaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.