Sports

Somaliya oo heshiis labo sano ah lagaaray Al-shabaab

Muqdisho-KNN-Soomaaliya oo ku biiray kooxda al-Shabaab – laakiin maaha sida aad u malayn karto ama durba aad adigu u qaadatay.

Wergiton do Rosario Calmon, oo loo yaqaano Soomaaliya, ayaa seddexdii sanno ee la soo dhaafay ku qaatay kooxda Toulouse FC waana ciyaaryahan kubada cagta xirfadiisu tahay.

Laakiin 29 jirkaan reer Brazil ayaa heshiis labo sano ah la saxiixday kooxda kubada cagta ciyaarta ee ka dhisan dalka Saudi Arabia ee Al-Shabab.

Inkastoo al-Shabaab ay tahy eray luuqada Carbeed ah oo uu macneheedu yahay dhallinyaro, dadka isticmaala meediyaha bulshada ayaa si deg deg ah ugu qaadanaya magacan dagaalamayaasha bariga Afrika.

Ciyaaryahankan ayaa ku magac ah dalkeena Somalia, xili dhanka kale ay iska shaabahan kooxda uu ku biiray dagaalamayaasha gudaha somaliya ee alshabaab.