Muqdisho-KNN-Waxaa jira hadal hayn ah in cudurka COVID-19 uu ku soo rogaal celinaya dalal u haystay inay xakameeyeen. Arrintan ayey in badan ka digayeen seynisyahannada iyo hey’adda caafimaadka Addduunka ee WHO.
Hirkan labaad ee cudurka Coronavirus hadda ma ahan xilligi la dhihi lahaa “haddii”, laakiin waa xilligi lagu baraarugi lahaa” ayuu yiri Dr Jennifer Rohn oo ku takhasuay cilmiga noolaha oo aad ula socoday sida uu Aasiya uu cudurka ugu faafay dunida kalana uu u gaaray.
Hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHo waxay sheegtay inuu faayraskan cusub, xakameyntiisuna ay u baahan tahay “dadaal ballaaran”.
Waddamadi la yimid xeelado iyo hababa ay ku xakameeyaan cudurka safmarka ee coronavirus iyaga oo u maraya baaritaan, dabagal iyo maareynta xayiraadaha oo ay ka mid yihiin dalalka Kuuuriyada Koonfureed iyo Japan oo qaaradda Asia ku yaalla, iyo Jarmalka oo ku yaalla Yurub ayaa haatan laga soo sheegayaa marki ay xayiraadaha dabciyeen inuu cudurka uu markale ku laba kacleeyey.
Wargeyska the Guardian wuxuu toddobaadkan qoray, kooxda jawaab ka bixinta Covid-19 ee Midowga Yurub waxay soo jeediyeen iney iisu diyaariyaan hirka labaad ee cudurka, “su’aashuna waxay tahay xilligee iyo intey le’eg tahay” ayuu yiri agaasime Andrea Ammon,