Somali News

Soo xulista Xildhibaanada cusub ee Baarlamanka Jubbaland oo dhawan ka bilaabaneysa Kismaayo

Kismaayo-KNN-Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ahna xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa waxaa kusii qul qulaya Odayaasha dhaqanka deegaanada Maamulka Jubbaland si ay u soo xulaan Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Jubbaland.

Maalmaha nasoo aadan ayaa lagu wadaa in soo xulista Xildhibanada cusub ee maamulkaas ay ka bilaabato magaalada Kismaayo, halkaas oo loogu diyaariyey goobihii lagu qaban lahaa doorashooyinka maamulkaas.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa muddo ka taagnaa khilaaf salka ku haya hanaanka loomarayo soo xulista Xildhibanada ee Jubbaland, waxaana wali la shaacin xalka laga gaaray iyo qaabka loo marayo soo xulista xildhibaanada cusub.