Uncategorized

Soomaali badan oo lagu Xiray Dalka Masar

Muqdisho-KNN-Ku dhawaad 100 muwaadiniin soomaaliyeeda ayaa lagu xiray wadanka masar gaar ahaan magaalada caasimada ah ee khaahira ka dib markii halkaasi dil loogu geystay wiil dhalinyaro ah oo kamida mu,uwaadiniinta soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool.

Muwaadinka soomaaliyeed ee lagu dilay maagalada Khaahira gaar ahaan xafada soomaalidu ku badan tahay ee caashira loo yaqaano ayaa dilkiisa loo adeegsaday tooreey

Wiilka la dilay oo ayaa lagu magacaabi jiray Shaakir waxaana da,diisa lagu sheegay 16 sano jir.

Ciidamada amaanka masar ayaa markii dilku dhacay ka dib baaritaano ay sameeyeen xabsiga ugu taxaabay ku 100 kamida muwaadiniinta soomaaliyeed ee ka ag dhawaa goobta uu dilku ka dhacay.

Soomaalida ciidamada masar ay xabsiga u taxaabeen ayaa isugu jiray arday wax ka barata jaamacadaha dalkaasi iyo.

Maxamed Cumar Dalxa oo kamida xildhibaanada golaha shacabka soomnaaliya ayaa KNN u sheegay in dhalinyarada soomaaliyeed ee dalkaasi ku nooli xiligaan wajahayaan xaalada adag oo dhanka nolosha ah.

Dalxa ayaa sheegay in dowlada soomaaliya looga baahanyahay in ay wax ka qabato dhibaatooyinka dadka soomaaliyeed ku bhaysta dalka masar.

Safaarada soomaaliya ku leedahay dalka masar ayuu sheegay in ay waajib ku tahay in ay wax ka qabato dhibaatada dhalinyarada iyo muwaadiniinta kale ee soomaaliyeed ku haysata dalkaasi.

Tan iyo markii dalka masar uu kacdoonku ka dhacay dalkaasi waxaa lagu dilay ilaa iyo 3 muwaadin oo soomaali ah waxaa mid kamida muwaadiniintaasi ahaa Haweeneey  waxaana dadkii ka dambeeyay dilkaasi haatan ku jiraan xabsiyada dalka masar.