Muqdisho-KNN-Warar ay KNN ka heleyso xuduuda ay wadagaan Yeman iyo Sacuudiga ayaa sheegaya in lagu dilay Tahriibayaal Soomaali ah oo halkaasi ku safrayay.
Tahriibayaasha ayaa la sheegay in tirada guud ay ahaayeen 42- qof, iyadoona 27-gabdho ay yihiin, halka 15-ka kale ay rag yihiin, Waxaana la tilmaamay in rasaas la sheegay in ay fureen ciidanka ilalada xuduudaha ee sacuudiga ay u geeriyoodeen labo ka mid ah tahriibayaasha Soomaalida ah.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ay jiraan dhaawacyo sidoo kale soo gaaray Soomaalida halkaasi ku safraysay.
Waxaa lagu waramayaa in dadka Soomaalida ah ay haatan gacanta ugu jiraan Ciidanka Sacuudiga.
Tahriibayaashan ayaa waxa ay ka baxeen Yeman, iyagoona ku sii wajahnaa Sacuudiga oo inta badan tahriib lagu galo.
Dhowr jeer ayaa sidan oo kale dad Soomaali ah waxaa dhimasho iyo dhaawac Ciidamada ilaalada xuduudaha ee sacuudiga ay ugu geysteen xadka ay la wadaagaan Yeman.
Sidoo kale sanadkii hore ayay ahayd markii Tahriibayaal Soomaali ah ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen duqeyn uu sacuudiga ka fuliyay Yeman.


