Somali News

Soomaali Galbeed iyo Qowmiyadda Oromada Itoobiya oo heshiiyay.

Muqdisho-KNN-Muddo dheer oo ay dagaalo xoog leh socdeen ayey hada u muuqaata xaalada iney soo hagaageyso gudaha Itoobiya gaar ahaan dagaalkii u dhaxeeyay Qomiyadaha Soomaalida iyo Oromada kadib wadahadal iyo kulamo ay yeesheen hogaamiyaasha labada dhinaca.

Maxamed Muxumed Cumar “Cagjar” Madaxweynaha Ismaamulka Soomaali Galbeed iyo Dhiggiisa Ismaamulka Oromada ee Lemma Megersa ayaa mudo wadahadalo u socday ka soo saaray qodobo lagu heshiiyay kuwaas oo xal u noqon kara deegaanka iyo goobihii kale ee lagu dagaalamay.

Labada hogaamiye ayaa isku afgartay qodobadaan oo la doonayo in si deg deg ah loo dhaqan geliyo si loo soo afjaro xaalado adag oo ka dhashay colaadii u dhaxeysay Soomaalida iyo Oromada.

  1. In Oromada ay furto Jidka isku xira Addis Ababa iyo Mooyaale si gurmad loo gaarsiiyo Dadka ka barakacay ama ay saameysay Colaadda.
  2. In la joojiyo Xabadda, lana kala qaado Maleeshiyaadka isku hor fadhiya furimaha Dagaalka.
  3. In la sameeyo Guddiyo isku dhaf ah oo ay hogaaminayaan Labada Madaxweyne ku xigeen ee ismaamulada Soomaalida Galbeed iyo Oromada .

Dil wadareed, Dhaawacyo aan xisaab laheyn, Barakacin iyo Xaalado kale oo aad u adag ayaa ka dhashay mudadii uu socday dagaalkii u dhaxeeyay Soomaalida iyo Oromada, labada dhinac ayaa hada aad ugu baahan daganaansho kadib markii ay dareemeen culeeska ka dhashay dagaalkii dhaxmaray.

Rajo weyn ayaa laga qabaa in qodobaan ay dhaqan galaan markii loo eego baahida ka jirta goobihii lagu dagaalamay iyo dadkii dhintay tiradooda.