Uncategorized

Soomaali ka soo carartay Dagaalka yemen oo Maanta soo gaaray Boosaaso”Sawiro”

Boosaaso–KNN–Soomalidii ugu badnayd ee Colaada Yemen kasoo Qaxda ayaa gaaray magaalada Bossaaso.

Dadkaan oo kasoo qaxay collaadaha dalka Yeman ee maanta yimid ayaa gaaraya 210 qof kuwaas oo ay siday hal doon ah.

Dadkan soo qaxay Waxa si ku meel gaar ah loo dejiyey xerada qaabilaada dadka qaaxootiga ah oo ay gacanta ku hayso wasaarada Arimaha Gudaha ee Puntland ee ku taal qaybteeda magalada Boossaaso.

Dalka Yemen ayaa waxa ka socda dagaalo aan kala joogsi lahayn,kuwaas oo u dhaxeeya Kooxo isku haya Xukunka dalka Yemen