Somali News

Soomaali loo heysto Burcad badeednimo oo ka soo muuqday Maxkamad ku taala Shiisalis

Muqdisho-KNN-Soomaali loo haysto Burcad Badeednimo ayaa kasoo muuqday maxkamda sare ee Jaziirada Shiisalis shalay oo isniin ahayd.

Buracad Badeedan oo tiro ahaan gaarayso illaa iyo 5 ruux ayaa hawlgalka badda ee ciidanka midowga yurub waxa ay Todobaadkii hore kuwareejiyeen masuuliyiinta Jaziirada Shiisalis.

3 kamid ah 5’ta ruux ee loo haysto Burcad badeednimada ayaana shalay kasoo muuqday Maxakamda sare ee dalkaasi sida ay baahisay wakaalada wararka ee dalkaasi.

Hawlgalka ciidanka badda ee midowga yurub ayaa sheegay in burcad badeedan lasoo qabtay 21’kii bishan markaas oo ay ku fashilmeen weerar ay qorsheenayeen in ay ku afduubtaan labo dooni Kalluumaysi oo laga lahaa dalalka Spain iyo Koonfurta Kuuriya.

Inta uu socday hawlgalka lagu soo qabanayay burcad badeedan ayaa waxaa lasheegay in uu dhaawac soo gaaray sadax kamid ah burcad badeeda soomaalida iyadoona markii dambe ladhigay isbitaal ku yaalo Jaziirada Siishalis.

Hawlgalka midowga yurub ee ladagaalanka burcad badeeda oo goor sii horeesay sheegay in ay ka adkaadeen burcad badeeda soomaalida iyagoona haatan u muuqda in ay kor dhiyeen weerarada ay ka geesanayaan meelaha ka baxsan biyaha Soomaaliya.