Somali News

Soomaali xujeey aheyd oo geeriyooday

Makka Al-Mukarramah-KNN-Wararka aynu ka haleyno magaalada barakeysan ee Makka Al-Mukarramah ayaa waxa ay sheegayaan in ay geeriyoodeen labo xaaji oo Soomaali ah.

Geerida labada qof ee Soomaalida ah ayaa timid kadib Isbuurasho ay ka dhacay deegaanka Mina iyo Buurta Carafo oo kamid meelaha lagu guto acmaasha Xajka.

Labada Xaaji ee geeriyooday ayaa magacyadooda waxaa lagu sheegay Xaaji Axmed Maxamed Saalax iyo Xaaji Xasan Maxamed Jimcaale.