Somali News

Soomaalida Islii oo ka cabanaya ‘tacaddiyo lagu hayo’

Dadka ku nool xaafadda Islii ee magaalada Naiorbi ayaa cabasho xooggan ka muujinaya tacadiyo iyo dibaatooyin kala duwan oo ay xilliyadda habeenkii ay kala kulmaan ciidamada booliska ee magaalada Nairobi.

Dhibaatooyinkaas oo ah in ciidamadu ay jirdil garaac iyo sunta dadka ka ilmaysiisa ay u adeegsanayaan shacabka ku nool xaafadda Islii ka hor saacadaha bandowga.

Dowladda Kenya ayaa soo rogtay bandow la xiriira xanuunka Covid-19  xilliyada habeenkii oo ay xayiraad ku saartay  makhaayadaha iyo diyaaradaha caalamiga ah.

Dadka saamaynta uu ku yeeshay bandawgan, waxaa kamid ah Haweenka leh makhaayadaha shaaha iyo xafiisyada Tikidyada diyaaradaha ee xaafada Islii.