Uncategorized

Soomaalida ku dhaqan Koofur Afrika oo dhaliilay Safaarada Soomaaliya ee dalkaasi

Cape-town-KNN-Waxaa daggan tuulada Hermanus ee Gobalka Western Cape ee wadanka Koofur Afrika kadib rabshado isir naceyb ah oo sababay mid ka mid ah Boobkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika.

In ka badan 100 Dukaan oo ay Ganacsato Soomaaliyeed lahaayeen ayaa lagu waayey mushkiladihii ka dhacay Xaafadda Zwelihle ee Hermanus, sida ay baahiyeen warbaahinta gudaha South Africa iyo kuwa caalamiga ahba.

Kullan deg deg ahaa oo ay Madaxda Dowladda ee Gobalka Western Cape iyo Saraakiisha Ciidamada ee qaabilsanay amaanka xaafadaha ay wax ka dhaceen ayaa la sheegay in xal KMG (Ku meel gaar ah) ka gaareen khalalaasahaasi, iyadoo iminka ay Ciidanka isku dayayaan inay dib u riixaan Dibadbaxayaasha boobka iyo khalalaasaha waday.

“Dadkii foodada waday, waxay Dowladda u sheegtay inay dalabkooda tixgelinayso balse ay marka hore joojiyaan rabshadaha khasaaraha kala duwan ee lixaadka leh sababay, hadana xaaladdu waa dagan tahay inkastoo aan la isku haleyn karin oo wax walba ay dib isku badeli karaan si fudud” ayuu yiri Liibaan Axmed oo ka mid ah Ganacsatada ku hanti beeshay masiibada ka dhacday Hermanus oo aan goor dhow la hadlay KNN kana hadlayay xaaladda halka ay marayso.

Soomaalida ku nool dalka Koofur Afrika ayaa dhaliilay Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalkaasi kadib markii ay sheegeen in ay ka waayeen gurmad iyo ka warqab marka ay khalalaaso dhacaan, halka Ajaanibta kale ee wadanka ku nool ay ugusoo gurmadaan Safaaradahooda.