Somali News

Soomaalida ku nool Nairobi oo ka walaacsan Sokor la`aan ka jirta magaaladaas

Nairobi-KNN-Todobaadyadii ugu dambeeyay ayaa guud ahaanba magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya waxaa Dowlada kenya ay shaacisay in lasoo geliyay Sonkor Sumaysan iyo mid kale oo aan tayadeedu wanaagsanayn iyadoona ciidamada amaanka ay xabsiga dhigeen Ganacsato badan oo lagu eedeeyay in ay Sonkortaasi Nairobi ay soo geliyeen

Xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii ee magaalada Nairobi ayaa waxaa saamayn balaaran ku yeeshay Qiimo kororka aad u xoogan ee ku yimid Sonkorta lagu iibiyo Suuqyada.

Shacabka Soomaalida ayaa wal wal aad u xoogan ka muujiyay Sonkorta sumaysan iyadoona Ganacsiga hoos u dhac uu ku yimid.