Uncategorized

Soomaaliland “Hawadayna lagama maamuli doono magaalada Muqdisho”

Hargeysa-KNN-Soomaaliland ayaa kasoo  horjeesatay maamulka hawada ee dawladda Soomaaliya ay sheegtay in ay lasoo wareegtay maanta oo khamiis ah kadib xaflad lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Maareeyaha hay’adda duulista Somaliland  Cabdi Maxamed Rodol ayaa sheegay in aanay aqbali doonin in hawadooda laga maamulo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Duuliye Rodol waxaa uu warbaahinta u sheegay in dawladda federaalka Soomaaliya  ee uu hogaamiyo Farmaajo ay ka baxday heshiiskii hawada ee ku jiray wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee Turkiga ka qabsoomay.
Duuliye Rodol waxaa uu sheegay in ay xumaanayso go’aanka dowlada Soomaaliya kula soo wareegtay hawadu xiriirka labada dhinac ee wadahadalku u socday.
Somaliland oo sheegta inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale waxaa ay inta badan ka hortimaadaa heshiisyada amma maamulada taabanaya shacabka Soomaalida ee lagu wareejiyo Soomaaliya.