Somali News

Soomaaliland iyo korneyl Caare oo heshiis gaaray.

Hoggaamiyaha jabhadda dagaalka kala soo horjeeda Somaliland Korneyl Caarre ayaa lagu wadaa in uu tago magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag oo uu ku sugnaa muddo duleedkeedka.

Arintani ayaa timid kadib markii odayaal dhaqameed ay isku hayb yihiin Korneyl Caarre ay ka shaqeeyeen maalmihii ugu dambeeyey sidii uu nabad ula qaadan lahaa Mr. Caarre Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Warar kasoo baxaya jabhadda hubaysan ee Carre ayaa waxa ay sheegayaan in Korneylka Baasaboorka Soomaaliga ah looga sameeyay magaalada Garowe isla markaana uu dalka dibaddiisa ku aadayo Baasaboorkaasi.

Ciidamada Korneyl Caarre ayaa wararku sheegayaan in qaarkood dib loogu celiyey ciidamada Somaliland oo hore ay uga tirsanaayeen halka kuwo kalena ay weli odayaal dhaqameedku ay wadaan qorshaha lagu celinayo.