Somali News

Soomaaliland iyo Puntland oo Madaafiic isku weydaarsaday deegaanka Tukeraq

Tukeraq-KNN-Wararka ka imaanaya deegaanka Tukeraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in Ciidamada Soomaaliland iyo Puntland ay Xalay isweydaarsadeen Madaafiic inkastoo aan la ogeyn cidda bilowday tuurista Madaafiicdaasi.

Dadka deegaanka oo la hadlay KNN ayaa sheegay in mar qura ay maqleen dhawaqa Madaafiicda oo laba dhinac ay isweydaarsanayaan iyadoona khasaaro uu ka dhashay Madaafiicdaasi.

Ku dhawaad 5 ruux ayaa ku geeriyootay halka ku dhawaad sedax kalane ay ku dhaawacmeen oo ah dhinacyadii dagaalamay.

Deegaanka Tukeraq ee gobolka Sool ayaa waxaa isku hor fadhiya Ciidamo kala taabacsan maamulada Soomaaliland iyo Puntland, kuwaas oo dhowr mar ku dagaalamay gobolkaasi walina isku fadhiya.

La soco wixii ka soo kordha.