Muqdisho-KNN-Wasiirka arimaha Dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu Sheegay in Somaliland ay beesha Caalamka u Gudbisay Dacwad ka dhan ah madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas.
Dacwadan ayaa waxaa ay tahay Cabasho ay soomaaliland ka muujisay Socdaalka Madaxweynaha puntland uu ku tagay Magaalada Baran ee Gobalka Sanaag.
Wasiirka ayaa sheegay in tagi taanka Madaxweyne gaas ee Baran ay tahay mid uu ku soo xad gudbay Xuduuda Soomaaliland, isagoona ka digay xiisad ay abuurto arintaasi.
Mudooyinkii ugu dambeeyay ayay aheyd markii madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Weli MAxamed Cali Gaas uu socdaal ku joogay magaalada Baran ee Gobalka Sanaag, maadaama Soomaaliland iyo Puntland ay kala Sheeganayaan in labadoodaba ay maamulaan magaalada Baran ee Gobalka Sanaag.