Uncategorized

Soomaaliland oo Dacwad ka gudbisay Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Somaliland ayaa sheegtay in dacwad ay u gudbisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Hawada ee ICAO.

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi  ayaa sheegay in dacwadaasi ay kaga codsadeen in laga noqdo heshiiska Hawada loogu wareejinayo Soomaaliya bartamaha sanadkaan.
Waxaa uu xusay in Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Nairobi u joogo baaqaasi ay udireen Qaramada Midoobay ee ay cabashada ku gudbiyeen.
Somaliland waxaa ay sheegtay in ay Hawadeeda laga maamuli karin Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa lagu wareejinayaa maamulka hawada waxaana furey madaxwaynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.
Somaliland waxay sheegtay in heshiisyo ay kala saxeexdeen xukuumadii Xasan Sheekh Maxamuud oo ay dowladu Farmaajo ka baxday.