Somali News

Soomaaliland oo digniin u dirtay Gaadiidleyda.

Hargeysa-KNN-Xasan Cumar Faarax Taliye ku xigeenka Ciidamada Nabad gelyada wadooyinka ee Gobalka Sanaag ee Soomaaliland oo la hadlay warbaabinta ayaa waxaa uu digniin culus uu u diray Darawalada gaadiidka ee ka howlgala magaalada Ceeri gaabo ee Gobalkaasi.

Taliyaha ayaa waxaa uu ka hadlay Shilalka ku soo batay magaalada Ceeri gaabo, isagoona sheegay in dad iyagu maqan ay ka xeeyaan gaadiidka, taasina uu tilmaamay in dhibaato ay keeni karto.

Sidoo kale Taliye ku xigeenka  nabad gelyada wadooyinka Gobalka Sanaag ee Soomaalialand  ayaa waxaa uu digniin u diray darawalada aan wadan leesinka, islamarkaana wuxuuna sheegay inuu maalmaha soo socda ay tilaabo adag ka  qaadi doonaan.

Hadalka Taliye ku xigeenka  nabad gelyada wadooyinka Gobalka Sanaag ee Soomaalialand  ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa Xilli mudooyinkii ugu dambeeyay ay kordheen shilalka gaari ee ka dhaca deegaanada ka tirsan Gobalka Sanaag.