Somali News

Soomaaliland oo Hargeysa ku xirtay masuuliyiin lagu eedeeyay Musuq maasuq.

Hargeysa-KNN-Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Soomaaliland ay Maanta xirtay labo masuul oo ka tirsan wasaarada warfaafinta Soomaaliland, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay ku kaceen musuq maasuq.

Xubnaha la xiray ayaa waxaa ka mid ah Agaasimaha maamulka ee wasaaradda warfaafinta Soomaaliland Xasan Maxamuud.

Sidoo kale dadka la xiray ayaa waxa qeyb ka ah Agaasimihii hore ee wasaaradda warfaafinka Cismaan Xuseen, kaas oo dhawaan sheegay in uu xilkaasi iska casilay,isla markaana Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi uu ka aqbalay iscasilaada.

Ma jiraan wali wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amaanka ee Soomaaliland.