Somali News

Soomaaliland oo joojisay Shidaalkii ugu imaan jiray deegaanada deriska la ah

Hargeysa-KNN-Agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga xukuumadda Somaliland Mustafe Maxamuud Cali (Bile) oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday inay guud ahaanba joojisey qaar kamid ah ganacsigii ka soo geli jirey xuduudaha ay laleedahay deegaanada Soomaaliya iyo dalalka kale ee deriska la ah.

Sababta ay Soomaaliland ku joojisay shidaal uga imaan jirey dhanka deegaamada Puntland iyo badeecooyin kale ayaa waxaa ay ku sheegtay in xilligan uusan Wanaagsaneen Shidalkii ka ka imaan jiray deegaanada Soomaaliya iyo dalalka ka agdhow.

Agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga xukuumadda Somaliland ayaa waxa uu sheegay in middaasi bedelkeeda ay door bidayaan inay shidaalka ka qaataan shirkadaha shisheeye ee gacanta loo geliyey kaydadka shidaalka ee Somaliland.