Sool-KNN-Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Soomaaliland Cabdi Kariin Maxamed Kaahin oo la hadlay warbahinta ayaa si kulul waxaa uu ugu hadlay dagaal beeleed shalay Degaanka dhumey ee hoostaga Magaalada Laasa Caanood ee gobalka Sool.
Waxaa uu sheegay wasiirka in wax laga xumaado uu yahay dagaalkaas oo sababay dhimashada dad badan oo aan waxba galabsan.
Sidoo kale Wasiirka ayaa waxgaradka deegaanka Dhumay iyo maleeshiyaadka dagaalamaya,Waxaa uu ugu baaqay in damiyo colaada ka taagan degaankaasi.
Wasiirka oo sii hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in ciidamo ka tirsan Soomaaliland ay ku baxeen goobihii ay ku dagaalameen labadan maleeshiyo beeleed.
Shalay ayay aheyd markii labo maleeshiyo beeleed ay ku dagaalameen deegaanka dhumay oo hoostaga Magalada laas-canood ee gobolka Sool,kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la ogyahay ilaa iyo hada dagaalkaasi waxaa ku geeryoodey tobaneeyo ruux,halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen.


