Hargeysa-KNN-Yaasiin Maxamuud Faratoon Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland oo ka tirsan wefdiga Madaxweyne Biixi ee booqashada ku jooga Guinea ayaa waxaa uu ka jawaabay hadalka ka soo baxay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ahaa in dowladda ay xiriirka u jartay Dalka Guinea.
“waxaa na soo gaartay in maamulka xamar sida ay yiraahdeen ay calaaqaad u gooyeen dalka la yiraahdo Guinea, oo ay ka xun yihiin booqashadayada, arrintaa waxaannu u aragnaa inay maangaabnimo iyo aragti la’aani ku dheehan tahay, Aad mooddidna in ay ku qanacsan yihiin in Somaliland ay u xiran tahay, nasiib darro se malaa ma oga in Somaliland cilaaqaad la leedahay dalal badan oo caalamka ah oo Afrika ah, Bariga Dhexe iyo Yurub ka jira oo marar hore nagu soo dhaweeyey habmaamuuska qaran looga baahan yahay”
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliland Yaasiin Xaaji Maxamed (Faratoon) oo haatan ku sugan dalka Guinea ayaa sheegay in dwoaldda Soomaaliya ay go’doon ku heyso Soomaaliland,isla markaana ay kasoo horjeedo horumarkooda taasina ay tahay mid ay ku kala fogaanayaan.
Sidoo kale Wasiir Faratoon oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inay arrintan u arkaan cadaawad iyo kalafogayn cusub oo u bilawday.