Hargeysa-KNN-Wasiirka arimaha dibada soomaaliland Sacad cali shire ayaa waxaa uu ka hadlay Kulamadii Dhex Maray Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Iyo Murashaxiinta Waddani Iyo Kulmiye,islamarkaana kala hadlayay amaanka deegaanka Soomaaliland.
Sidoo kale Wasiir Sacad ayaa waxaa uu Tilmaamayin Arimahaasi ay la socdeen,islamarkaana Dowlada Itoobiya ay qeyb ka qaadanayso Xaqiijinta Amaanka Deegaanada Soomaaliland inta ay Socoto Doorashada Madaxtinimada ee Maamulkaas.
Sacad Cali Shiri ayaa waxaa uu xisbiyada ugu baaqay inay door muhiim ah ka qaataan sidii loo adkeyn lahaa amaanka deegaanada Maamulka Soomaaliland,inta lagu guda jiro doorashada.
Deegaanada Soomaaliland ayaa waxaa laga dareemayaa Diyaar garow garow ku aadan Doorashada Madaxtinimada ee Maamulka Soomaaliland.
Ciidamo badan oo boolis ah ayaa la soo dhigay wadooyinka qaar,iyagoona heegan buuxa la geliyay,Waxaana la Sheegay in ciidamadan ay qeyb ka yihiin Ciidamada Sida gaarka ah u sugi doono Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka.