Somali News

Soomaaliland oo ka hadashay kulankii dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Abiy Ahmed.

Hargeysa-KNN-War qoraal ah oo ka soo baxay Xukuumada Somaliland ayaa waxaa looga hadlay  kulankii Magaalada Addis Ababa ku dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo R/wasaaraha dalka Itoobiya.

Wasaarada arimaha dibada somaliland ayaa sheegtay in madaxweyne Farmaajo garwaaqsaday kaalinta ay soomaaliland kaga jirto arimaha gobolka geeska Afrika, sidaasi waxaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga wasaarada.

 “Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay soo dhawayneysaa sida Maamulka Farmaajo u garwaaqsadey in ay Somaliland tahay Dawlad Kaalin muhiim u ah kaga jirta Arimaha Gobolka Gaar ahaan dhinacyada Nabad galyada iyo Horumarka Dhaqaalaha ee Gobolka oo aan indhaha laga lalin karin marnaba, islamarkaana uu Aqbalay in aanu Soo Faro Galin Xiriirka Soo jireenka ah ee Somaliland iyo Ethiopia.”

Hadalkan ka soo baxay soomaaliland ayaan la ogeyn sida ay ugu falcelin doonto Dowladda Federaalka Soomaaliya.