Muqdisho-KNN-Xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay war ay ku soo dhaweeyneeyso cusbooneeysiinta cune qabateeynta Hubka ee Saaran Soomaaliya oo Golaha Amaanka ee QM ay markale kordhiyeen 14kii Bishaan.
Somaliland waxay sheegtay in ay mar kale ku celineeyso in Dowladda Soomaaliya aysan lahayn xirfad iyo Awood siyaasadeed si ay hub u xakameeyso, taas oo sidoo kale ku cad Warbixinta QM ee lasoo soo saaray 9kii Bishaan oo sheegtay in Soomaaliya aysan lahayn Awood siyaasadeed oo ay hubka ku xakameeyso.
War ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Somaliland ay rumeeysantahay in hub lasiiyo Soomaaliya uu Khatar ku yahay Somaliland, Dalalka Dariska ah iyo Nabadda caalamka.
Warkaan waxaa sidoo kale lagu sheegay in Somaliland ay cambaareyneeyso Dalaka hubka siiya Soomaaliya oo aan la magacaabin, kaasi marka dambena ku dhaca Gacmaha argagixisadda iyo maleeshiyadka Qabiiladda.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somalland ayaa Beesha caalamka waxay ugu baaqday in a joogteeyso cuneqabateeynta hubka ee Saaran Soomaaliya taasi oo ay sheegtay in ay Muhiim u tahay Nabadda Gobolka iyo Caalamka.
Somaliland waxay sidoo kale Golaha Amaanka, IGAD, Midowga Africa iyo QM ka codsatay in ay taageero ka geeystaan dib u soo celinta wadahadaladii Soomaaliya iyo Soomaaliland taasi oo faa iido u ah Nabadda gobolka iyo caalamka.


