Somali News

Soomaaliland oo laga xusay 26-ka June

Hargeysa-KNN-Munaasabad si heer sara ah loo soo agaasimay oo lagu xusayay 26-ka June oo ah markii ugu horeysay oo calanka Soomaaliyeed laga taago dhulka Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa ee Soomaaliland.

Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas`uuliyiin kala duwan intii ka hadashayna waxay aad ugu hadleyn halgalkii loo soo galay xurnimada Soomaaliya iyo siddii la`iskaga qaadan lahaa heeryadii gumeysiga oo xilgaa dadka Soomaaliyeed saarneed.

Madaxweynaha Soomaaliland Muusa Biixi Cabdi oo munaasabadaas ka hadlay ayaa ku nuux nuuxsaday arimo kala duwan oo ay ka midtahay qiimaha ay leedahay 26-ka June, dagaalka ka taagan deegaanka Tukeraq, iyo dhaliilo kala duwan uu u jeediyay dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweyne Muusa Biixi Cabdi ayaa yiri ”anaga cabsi naga ma`aha marka aan ku baaqeyno wadahadal ku aadan xiisada ka taagan deegaanka Tukeraq ee waxay naga tahay u turid aan u tureyno Shacabka ku nool Deegaanada Tukeraq, Laascaanood, Garowe iyo Qardho”.

“ Anaga isumakeyn qabato in nala yiraahdo midnimado waa muqadas, walaaltinmada waa waajib haddane nala cuna qabateeyo iyo xabad nagula wado” sidaas waxaa yiri Madaxweynaha Soomaaliland Muusa Biixi Cabdi.